Banaanbax looga soo horjeedo AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

116

Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galayaan boqolaal ka mid ah Shacabka kunool degmada Hilwaa ayaa ka socda Isgoyska Ex Kontrool Balcad.

Banaabaxa ayaa looga soo horjeeddaa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ka dib markii halkaasi maanta  ay ku dileen dad Shacab ah, sida wararku ay sheegayaan.

Dadka ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay dileen dad Shacab ah ka dib markii Saakay lala beegsaday Qarax Miino oo ay waxyeelo kasoo gaartay AMISOM.

Ku dhawaad 4 qof ayay toogasho ku dileen Ciidanka AMISOM qaraxa ka dib, waxaana arintaas ka Carooday Shacabka kunool Muqdisho.