Baraawe oo ammaankeeda si weyn loo suggayo

274

AfgooyeGuddoomiyaha degmadaasi Baraawe ee gobolka Sh/hoose, Shaacir Cabdi Cilmi ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in ammaanka iyo nabadgelyada dib loo soo celiyay, iyada oo ay weli ciidamadda booliskuna hawlgallo dheeraad ah ka sii wadaan gudaha magaaladaasi, kuwaasoo looga hortagayo falal amni darro oo ka dhaca halkaasi.

Mr. Shaacir Cabdi Cilmi wuxuu kaloo tilmaamay in booliska Baraawe ay heegan u galeen sidii loola dagaallami lahaaa ciskastoo isku dayda buu yiri inay dhibaatayso dadweynaha degmadaasi oo muddo ka badan lix sanno aysan soo marin wax maammul dawladdeed ah oo u adeega dadkaasi.

Sidoo kale, Shaacir wuxuu carabka ku adkeeyay in imminka ay ku guuleysteen sugidda hawlaha ammaanka ee Baraawe, wuxuuna ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan sii xoojinta dadaalladaasi.

Ciidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Baraawe kaddib markii ay Al-shabaab isaga baxeen degmadaasi.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebaha koofureed ee badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 193km u jirtaa magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi Sh/hoose.