Baraawe oo ciidamadda isbaheysigu la wareegeen

190

Baraawe1Ciidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ula wareegeen magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolkaasi Sh/hoose, iyaga oo aan ilaa iyo imminka wax iska caabin xooggan kala kulmin dhinaca dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay huwanta wuxuu warbaahinta u sheegay in Baraawe si nabad ah gacantooda ugu soo dhacday kaddib markii muddo seddex maalmood ah ay duleedkeeda fadhiyeen ciidamaddu, halkasoo horey uga sii baxeen Al-shabaab.

Sida ay goobjoogayaal ku sugan gudaha Baraawe xaqiijiyeen ciidamadda isbaheysiga ayaa baaritaanno waaweyn ka sameeyay xaafadaha qaarkood ee magaaladaasi, iyaga oo xirxiray dhawr qof oo lagu tuhmayo inay xiriir la lee yihiin Shabaab.

Dhinaca kale, waxaa socda kulamo dheeraad ah oo ay wada yeelanayaan saraakiisha isbaheysiga iyo waxgarad, kuwaasoo looga arrinsanayo sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ee magaaladaasi Baraawe.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebaha koofureed ee badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 193km u jirtaa magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi Sh/hoose.