Baraawe oo ay weerarayaan ciidamadda huwantu

198

Baraawe2Warar hordhac ah oo ay goor dhowayd heshay warbaahinta Xaqiiqa Times ayaa sheegaya in ciidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay qorsheynayaan inay duullaan kama danbeys ah ku qaadaan magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolkaasi Sh/hoose, halkaasoo ay weli gacanta ku hayaan dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka dhaca dhinaca xeebaha koofureed ee badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 193km u jirtaa magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Dhinaca kale, weerarkaasi ku wejihan magaalada ayaa kusoo beegmaya, xilli ay dhowaan ciidamadda isbaheysigu dib ula wareegeen deegaanno hoostaga Baraawe.