Baraawe oo dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo

171

Baraawe1Wararka imminka laga helayo magaalo xeebeedka Baraawe ayaa sheegaya in dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya ay halkaasi isaga baxeen goor dhowayd kaddib markii ay ogaadeen in magaalada ay kusoo siqayaan ciidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo qorsheynaya inay duullaan kama danbeys ah kula wareegaan magaaladaasi.

Goobjoogayaal ku sugan gudaha Baraawe ayaa sheegay inay arkayeen gawaari dagaal oo ay saarnaayeen taliyeyaal iyo ciidamo farabadan oo Al-shabaab ah, kuwaasoo dib ugu sii guranaya goobo kale oo aan ka fogeyn magaaladaasi.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka dhaca dhinaca xeebaha koofureed ee badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 193km u jirtaa magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi Sh/hoose.