Barakac ka socda gobolka Sh/hoose

179

Barakac2Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Sh/hoose barakac aad u xooggan ayaa imminka ka socda magaalooyinka Buulo Mareer, Kurtun waarey iyo Baraawe, halkaasoo uu ka bilawday dagaallo u dhexeeya ciidamadda dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo xarakada Shabaab. 

Barakaca shacabka ayaa yimid kaddib markii ay ciidamadda isbaheysigu dagaal kula wareegeen degmadda Buulo Mareer sidoo kalena sheegeen inay u sii gudbayaan Kurtun waarey iyo Baraawe. 

Qoysaska ay dagaalladu saameeyeen ayaa badankood u baxsanaya deeggaanada miyiga ah si ay uga nabadgalaan colaada Sh/hoose.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay ciidanka dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hawlgallo kale ay ka socdaan gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan si buu yiri la isugu furo waddooyinka u dhexeeya gobolladaasi.

Hawlgalkaasi oo dhinacyo badan lagu wejihayo ayaa ah kii ugu weynaa ee ciidamadda huwantu ku qaadaan Al-shabaab.