Baydhabo iyo Kismaayo oo ka bilaabatay doorashada Aqalka Sare

188

Xidhibaannada Baarlamanka Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa maanta billaabay inay soo doortaan xubnaha Maamulka ku Meteli doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Xubnaha ku Tartamaya Sideedda Kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka uga soo Aadaysa maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku taramaya 16 musharrax oo laba musharrax oo kasta ay ku tartamayaan hal kursi.

Baarlamaanka Koonfur-galbeed ayaa shalay dhageystay Khudbadaha 16-kaan Xubnood ee maanta tartamaya, kuwaasoo magacyadooda mar si horeysay loo gudbiyay Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magacyada Musharraxiinta maamulka Koonfur-galbeed ee Aqalka Sare oo ay Doorashadoodu ay socoto Baydhabo ayaa waxay kala yihiin;

  1. Cali C/llaahi Isaaq oo uu la tartamayo, C/kaafi Macallin Xasan
    2. Zamzam Ibraahim Cali oo ay la tartamayso, Aniso Aadan Diidoow
    3. Xuseen Sh. Maxamuud oo uu la tartamayo, Xuseen C/raxmaan Ibraahim
    4. Aadan Cabdi Aadan oo ay la tartamayso, Muumino Siciid Mursal
    5. Ibraahim Cali Axmed oo uu la tartamayo, Ilyaas Cali Xasan
    6. Nuurto Nuur Jimcaale oo ay la tartamayso, Timiro Maxamed Cali
    7. Xuseen Cali Xaaji C/lle oo uu la tartamayo, C/llaahi Maxamed Cabdi
    8. C/llaahi Cabdi Garuun oo uu la tartamayo Axmed Maadeey Isaaq.

Dhanka kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si toos ah uga soconaysa doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Maamulkaasi u matali doona Aqalka Sare ee Dowladda Soomaliya.

Maamulka Jubland ayaa waxaa ka mid ahaa maamuladii horay dib loogu ciliyay liiska Musharixiinta ka dib markii ay ku fashilmeen inay buuxin waayeen Qoondadii Haweenka.