Baydhabo oo hawlgal socda dad lagu qabqabtay

202

BaydhaboWararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in daraasiin dad ah lagu qabqabtay hawlgal ay waddajir uga fuliyeen xaafadaha magaaladaasi ciidamadda dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Inta badan dadka ay ciidamaddu qabteen ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee dadka la xirxiray haddana hawlgalka waxaa lagu soo beegay, xilli xalay dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen xarunta gobolkaasi Baay ee Baydhabo, halkaasoo muddo saacad ahayd ay kula dagaallameen ciidamadda huwanta ee ka hawlgalla magaaladaasi.

Ilaa iyo imminka ma jiro wax khasaare xooggan ah oo ka dhashay dagaalkaasi, balse wuxuu saameyn dhinaca nolosha ah ku yeeshay shacabka reer Baydhabo.