Baydhabo: agab la gaarsiiyay guddiga farsamada

198

Qalab-xafiiseed-casri-ah2Saraakiisha hey’adda ugu qaybsan Qaramadda Midoobay mashaariicda horumarinta ee UNDP ayaa maanta agab deeq ah guddoonsiisey guddiga farsamada maammul u sameynta gobollada koofur galbeed, waxaana agabka oo ka kooban miisas, kuraas, kumbiyuutarro, kaamarado iyo qalab xafiiseedyo kale lagu wareejiyay wasiir ku xigeenka amniga dawladda dhexe ee Soomaaliya, Ibraahiim Isaaq Yarow oo xubin ka ah guddigaasi.

Qalabkaasi ayaa loogu talaggalay in guddiga farsamadu u adeegsado hawlaha dhismaha maammulkaasi, sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ku xigeenku mar uu la wareegayay agabkaasi, isaga oo sidoo kale uga mahad celiyey UNDP deeqdaasi, wuxuuna ku tilmaamay mid u fududaynaysa hawlahooda farsamo ee ay u xilsaartay dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, shirweynaha Baydhabo ayaa imminka gelay wejigiisii ugu danbeeyay waxaana soconaya isu keenidda ergooyin ansixiya dastuur uu yeelanayo maammulku, iyada oo kaddibna qorshuhu yahay in loo sii gudbo soo xulista xildhibaanno dooran doona madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka dawlad gobolleedkaasi.

Xaqiiqa Times sida ay xog hordhac ah ku heshay waxaa lagu wadaa in la soo gebaggebeeyo horaanta bisha soo socota guud ahaan shirkaasi.

Heshiiskaasi lagu dhisayo koofur galbeed  Baay, Bakool iyo Sh/hoose — ayaa bishii Juun lagu gaadhay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.