Beerta Nabadda: Ganacsato Soomaali Ah oo Ka Qeyb Qaadanaya Soo Celinta Bilicda Muqdisho

795

Tolow ma laga yaabaa qacda hore in aad isku qanciso meeshani waa Uhuru Park? Suuragal ma tahay inaad sawirato magaalo dalxiis oo aad hadda kahor u damaashaad tagtay? Haddaba maskaxdaada ka saar dhalanteedka kuu muuqda. Sawirka aad arkeyso waa Muqdisho iyo Beerta Nabadda ee degmada Waaberi oo ku taalla dhabarka dambe ee Hoteel SYL oo ay ganacsato Soomaali ah oo dhallinyaro ah maalgelin ku sameeyeen.

Inkastoo dakharrada dagaallada sokeeye uu u geystay Soomaaliya ay wali meelo ka tirsan Muqdisho ka muuqdaan, haddana dhinaca kale waxaa socda horumar, dib-u-dhis, maalgashi, amniga oo soo hagaagaya iyo qurbajoogtii dagaallada ka qaxday oo dalka dib ugu soo laabaneysa si ay wax un ugu soo kordhiyaan dalka.

Wargeyska Xaqiiqa Times ayaa booqday Beerta Nabadda oo ka mid ah goobaha ugu bilicda san magaalada Muqdisho, si aan wax uga ogaanno sirta ka dambeysa in ganacsato Soomaali ah oo dhallinyaro ah ay ku dhiirradaan maalgashiga magaalo ku dhawaad 25-kii sano ee u dambeysay loo bixinayay magacyo aysan u qalmin sida caasimadda ugu khatarta badan dunida, hoygii reer aakhiraadka, IWM.

Maxamed Cabdi Jaamac oo ah maamulaha beertan, waa ganacsade Soomaali ah, howlo ganacsina hore uga soo sameeyay dalal badan oo Bariga Afrika ku yaalla. Wuxuu ii sheegay in isaga iyo dhowr iyo toban kale oo ku shirkoobay ganacsiyo kala duwan ay billaabeen in ay ka fikiraan qaabka ugu habboon ee ay dalkooda u maalgashan karaan.

“Waxaan dalka kusoo laabtay 2013 aniga oo maskaxda ku haya in aan fursado maalgashi oo aan hore wax looga qaban baadi goobo. Waxaa igu soo dhacay in howshan aan haatan beerta ka wado ay tahay fursad maalgashi iyo mid rajo soo celin. Sababta oo ah marka aad magaalada qurxiso waxaad ka qeyb qaadatay in dad badan oo qurbaha ku niyad jabsan ay dareemaan bilicda iyo heybadda dalkooda.” ayuu yiri Maxamed oo wajigiisa la dheehan karay farxad iyo rajo.

Tan iyo bishii Sabteembar ee 2014 oo ay mashruucan billaabeen Maxamed iyo saaxiibadiisa ganacsiga, waxay shaqo abuuris u sameeyeen dad 65 qof kor u dhaafaya oo isugu jira shaqaale si joogta ah uga shaqeeya hagaajinta beerta, fuundiyaal dhisay darbiyada iyo jardiinnada iyo dadka hal abuuray naqshadda guud ee beerta. Waxaa tan iyo intii ay howshan billaabeen uga baxday lacag nus milyan doollar ka badan, welina howshu way socotaa.

Waxa uu Maxamed aaminsan yahay in qaabka kaliya ee dalkan saboolnimada looga saari karo ay tahay in ganacsatada dalalka kale maalgashanaya ay yimaadaan Soomaaliya oo ay lacagtooda ku bixiyaan wax dadkooda waxtar u leh. “Marka aad lacagtaada u quurto dalkaaga waxaad ka qeyb qaadaneysaa hagaajinta nabadgelyada. Waxaad shaqo u abuuraysaa dadkaaga, waxa aad soo celinaysaa bilicdii iyo karaamadii ay magaaladani laheyd.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Beertan oo la filayo in xariga laga jaro bisha Juun ee sanadkan ayaa yeelan doonta qolal ay shaqaalaha beerta degi doonaan, meel baabuurta la dhigto, baar laga cunteeyo, qeybo loogu talagalay in carruurta lagu ciyaarsiiyo iyo labo garoon oo kubbadda cagta lagu ciyaaro.

Waxyaabaha cajiibka ah ee uu Maxamed nala wadaagay waxaa ka mid ah in cowska dadka abuuray ay ahaayeen dad dibadda laga keenay oo lacag adag lagu bixiyay, balse ay ku khasbeen in la carbiyo shaqaale Soomaali ah oo howshan la wareega si aysan mar kale lacag ugu bixin dad ajnabi ah. Maxamed laftiisa ayaa ka mid ah dadka bartay sida dhirta loo beero.

Waxay dad badan isweydiin karaan milkiyadda beertan iyo sababta dhallinyaradan isxilqaamay ay haatan u maalgelinayaan. Sida toddobaadkii dhir beerista uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) sheegay, beertan waxaa leh dowladda hoose ee Muqdisho, balse xiriirka wada shaqeyn ee uu maamulkiisa la leeyahay ganacsatada ayaa ka qeyb qaadanaya hagaajinta bilic soo celinta Muqdisho.

Hadalkaas waxaa ii sii xaqiijiyay ganacsade Maxamed Cabdi Jaamac oo ii sheegay in muddo cayiman laga kireeyay beertan si ay soo celinta bilicda Muqdisho qeybtooda uga qaataan, maadaama uusan gobolka haatan shaqadaas u diyaarsaneyn.

Isbeddelka ku yimaada maamullada heer degmo iyo heer gobol ayaa ah caqabad mar walba hortaagan ganacsatada. Waxaan waydiiyay maamulaha beertan waxa ay fili karaan haddii la beddelo ama uu xilka ka tago maamulka gobolka ka arrimiya hadda, wuxuu yiri “waxaan aaminsanahay in waayadan dambe biseyl siyaasadeed iyo mid ganacsi uu ka jiro dalka. Wax walwal ah arrintaa kama qabo, waxaana filayaa in qof walba oo xilka gobolka qabto ay ka go’an tahay in muuqaalka Muqdisho wax laga beddelo. Sidoo kale, annaga ganacsato ayaan nahay oo siyaasad kuma xirna hawsheenna. Waxaa naga go’an inaan beerta oo qura ma ahee howlo kale oo ganacsi aan dalka ka hirgelinno In shaa Allaah.”

Maxamed wuxuu kula dardaarmay ganacsatada Soomaalida ah in ay dalkooda maalgashadaan oo ay iska illoobaan lacagta ay dibadaha ku kharaj gareeyaan. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhibaatada ganacsatada Soomaalida loogu geysto dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika.

Cabdinuur Maxamed Axmed

3IMG_0524IMG_055711149241_947691481928307_4576409695872308357_n2IMG_0611IMG_0619