Beesha Caalamka oo ka welacsan dib u dhaca doorashada Aqalka hoose

236

Warka ka soo baxay Waddamada iyo Ururrada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada xubnaha aqalka hoose uu qorshuhu ahaa in uu billowdo 23ka Bisha October oo maanta 30 ah,waxaana muuqata todobaad dib u dhac ah inkasta oo 10 November ay ku egtahay dhameystirka Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya.

14 September  madaxda wadatashiga qaran waxay  isku raaceen xilliga 2aad ee doorashada qaran kadib markii ay dhowr jeer  oo hore dib u dhacday,waxaana ay Beesha caalamka ka digeysaa in dib u dhac kale uu yimaado.

Warkan ayaa lagu sheegay in sidoo kale Beesha Caalamka ay walaac ka muujineyso lacagaha lagu helayo kuraasta labada Aqal oo tartamayaasha qaarkood ay lacago farabadan oo laaluush ah ku bixinayaan.

Beesha Caalamka ayaa codsatay dhammaan daneeyayaasha doorashada Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan sidii ay doorashada waqtigeeda ugu dhici lahayd.

Waxaa Warka Beesha Caalamka uu intaa ku daray in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay in ay doorasho xalaal ah ka dhacdo Soomaaliya Bisha November ee soo socota.

Qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin billaabidda doorashada xubnaha Aqalka Hoose

Xubnaha Beesha Caalamka ee warkan soo saaray oo kala ah Qaramada Midoobey,Midowga Afrika,IGAD, Itoobiya, Swiden, Ingiriiska , Mareykanka iyo Talyaaniga,  waxaa ay ka digeen dib u dhac doorasho iyo waqti dambbe oo luma.