Beesha Caalamka oo war ka soo saaray khilaafka ka taagan Galmudug

357
QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa kulligood muranka iyo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed iyo xubnaha baarlamaanka Galmudug walaac ka muujiyay.

Si kastaba ha ahaatee afhayeenka baarlamaanka Galmudug ayaa codkaa la qaaday ama mooshinka asna diiday kuna tilmaamay xaq darro. C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa isna xaq darro mooshinkaa ku tilmaamay kuna soo rogay Galmudug 3 bilood oo ah xaalad dagdag ah.

Beesha caalamka gaar ahaan QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ugu baaqaya darafyada is haya in khilaafka laga gaaro wax-walba oo khilaafka keenay.