Beledweyne oo hawlgal socda dad lagu qabqabtay

186

Ciidamadda-EthiopiaWararka imminka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi Hiiraan ayaa sheegaya in daraasiin dad ah lagu qabqabtay hawlgal ay waddajir uga fuliyeen xaafadaha magaaladaasi askarta ciidamadda dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Inta badan dadka ay ciidamaddu qabteen ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Hawlgalkaasi ayey ciidamadda huwantu qaadeen kaddib markii xalay koox hubeysan ay toogteen waddaad ka mid ahaa culimada waaweyn ee magaaladaasi Beledweyne.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadaasi waxay sheegeen in Macalim Wardi Saalaxey ay dableydu rasaas ku fureen, xilli uu sii gelayay gurigiisa lamana oga sababta loo dilay marxuumkaasi.