QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, Mareykanka iyo ethiopia ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug , Jubbaland in ay soo dhameystiraan qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xubnaha Aqalka Sare taasi oo ah 30%.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Saddexdaasi maamul goboleed ay ku fashilmeen in ay fuliyaan heshiis ay wada gaareen Madaxda hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran oo lagu qeexay qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xubnaha Aqalka Sare.
Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu amaanay maamulka Koonfur Galbeed oo qaaday tilaabada loo baahnaa islamarkaana soo dhameystiray Aqoondada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed ee kunool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
“Beesha Caalamka waxa ay si weyn u soo dhaweynaysaa go’aanka ay qaateen guddiga doorashooyinka dadban ee dalka iyo sidoo kale sida ay u fuliyeen balanqaadyadii ay ka qadeen Madaxda hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu Yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.
War-saxaafadeedkan ayaa loogu baaqday madaxda maamul Goboleedyada Puntland , Galmudug iyo Jubbaland in ay ilaaliyaan waqtiga , islamarkaana ay qoondada haweenka ay kusoo cadeeyaan Waqtigii ay u qabteen guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka.