Beyle oo ka baaqday shirkii IGAD ee Soomaaliya

249

Dalalka-IGAD

Magaaladda Nairobi waxaa ka dhacay kullan aan caadi ahayn oo ay yeesheen markale wasiiradda arrimaha debadda ee urur goboleedka IGAD, waxaana shir guddominayey wasiirka arrimaha debadda ee Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom kaasoo lagu lafaguray horrumaradda laga qaaray illaa iyo imminka “qorshe weynaha xasilinta koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee loo soo gaabiyo GSP-ga.”

Danjire Seyoum Mesfin, oo ah guddoonka wakiilladda gaarka ah ee IGAD ugu qeybsan hanaanka wadahadalsiinta iyo dhexdhexaadinta nabadda ee dalalka South Sudan iyo Soomaaliya oo shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa boggaadiyay qorsheyaasha socda ee lagu dhisayo dawlad goboleedyadda iyo hawlgelka ka dhanka ah Shabaab.

Wasiiradda IGAD ayaa sidoo kale kulan kula qaatay caasimadda Kenya ee Nairobi wefdiggii golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay waxayna isla soo qaadeen tillaabooyinka xigga ee ay qasabka tahay in lagu wajaho Soomaaliya, balse kulankoodaasi gaarka ahaa waxaa ka maqnaa wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, IGAD ayaa wallaac ka muujiyay xaaladaha bani’aadminnimo ee sii xumaanaya iyo abaaraha ka jira deegaanadda Soomaalidu degto ee Somalia, Kenya iyo Ethiopia.