Bondow 3 maalmood ah oo lagu soo rogay magaalada Muqdisho

362

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhowaaqay bandow labo maalmood ah oo kaasi oo bilaabanaya gelinka dambe ee barri oo Isniinta oo kuna beegan 6da bisha Febraayo 2017.

Bandowgan ayaa socon doona illaa ay ka dhamaato doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 8da Febraayo 2017.

Guddoomiyaha gobola Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale,   oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta gobolka  ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bandowga uu saameyn doono  dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.

Bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeelanaya shacabka magaalada Muqdisho iyo dadka kale ee maalmaha safarka ugu imanaya.

sanadkii 2012 ayaa waxaa doorashadii la qabtay waxa ay saameyn weyn ku yeelan dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho, waxana la shaaciyay in goobta ay doorashada ka dhacaysa ay tahay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa talaabadan Ku micneeyay mid lagu xaqiijinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu dadka ka codsaday inay samir muujiyaan.

Wadada muhiimka ah ee Maka almukarama ayaa baaladaha korontada waxaa lagu dhejiyay kaamirooyinka qarsoon ee  loo yaqaano CCTV ka hor doorashada madaxwaynaha Soomaaliya