Booliiska Soomaaliya oo Taliye KMG ah yeeshay (Sawiro)

226

Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah taliye Ku xigeenka ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa si kumeel gaar ah waxaa loogu dhiibay xilka taliyaha guud ee Booliiska dalka.

Arintan ayaa timid ka dib xaflad ay ka qayb galeen saraakiisha Booliiska taasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka Booliiska Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliyahii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdixakiin Saciid Saacid oo dhowaan golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya shaqada ka eryeen ayaa xilka si KMG ah ugu wareejiyay Gen. Mukhtaar.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye kuxigeenka Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.

Taliye Mukhtaar ayaa xilkan ski hayn doona inta dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga soo magacaabayso taliyaha guud ee Booliiska Soomaaliyeed.