Booliska Canada oo gacanta ku dhigay qof loo haysto dilka 2 gabdhood oo walaalo ahaa

253

Booliska Dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay Muscab C/Raxmaan Axmed Nuur,  oo ay ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay dilka laba gabdhood oo Soomaali ah kuwaas oo Jimcihii lasoo dhaafat  lagu dilay Gurigooda uu ku yaalla Magaalada Ottowa.

Booliska ayaa sheegay in Muscab uu is adkeeyay markii ay qabanayeen kuna qabteen meel u dhow gurigooda oo uu dilka ka geystay.

Waxaa ay intaa ku dareen in uu dhaawac yar soo gaaray lana dhigay isbitaal.

Muscab ayaa shalay oo Axad ahayd diiday in uu tago Maxkamadda,waxaana isaga oo ka maqan ay Maxkamadda ku xukuntay xeerarka 1aad iyo 2aad ee Dilka.

Maxkamadda ayaa soo jeedisay in Muscab lagu sameeyo baaritaan dhanka Maskaxda ah,waxaan aay wararku sheegayaan in uu dhimirka la’yahay.

Ciidanka Booliska ayaa markii hore sheegay in labadaan Gabdhood ay ahaayeen walaalo  lagana  helay Meydkooda Gurigii ay ka deganayeen Magaalada Ottawa.

Waxaa la tuhunsanaa in kooxo hubeysan ayaa gurigooda ku dileen ka dibna Meydkooda ayay qariyeen  sida uu sheegay Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska dalka Canada.

Gabdhahan walaalaha ahaa ayaa magacyadooda lagu sheegay Nasiibo Cabdiraxmaan, iyo Asmo Cabdiraxmaan, waxaa da’dooda lagu kala sheegay 23-Sano jir iyo 32 Sano jir.