Booqashada Erdogan: Hiil Walaal oo aan la Hilmaami Karin

310
Photo/Abdullahi Afey

Dabayaaqadii bishii tagtay ayaa markii labaad wuxuu Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Imaanshihiisa hore wuxuu ahaa 19-kii Agoosto 2011, isagoo ahaa Raysul wasaaraha dalkiisa waxay ku beegneyd xilli ay macaluul iyo abaaro ba’an ka jireen Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta. Booqashadan dambe oo ay ku weheliyeen qoyskiisa, wasiirro, xildhibaanno iyo ganacsato wuxuu ujeedkeedu ahaa in uu xarigga ka jaro mashaariic uu Turkigu ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Kuwa ugu waaweyn waxaan ka xusi karnaa dhismaha casriga ah ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, Isbitaalka Digfeer, oo hadda loogu magacdaray ‘Recep Tayyib Erdogan Hospital’, xarumo waxbarasho iyo waddooyin laami ah. Mashaariicdaas waxaa fuliyay hay’ado Turki ah oo gaar loo leeyahay iyo kuwa dowladda hoostaga.

Erdogan shirkii jaraa’id ee uu la qabtay Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in ay fuliyeen dhamaan ballan-qaadyadii ay hore u sameeyeen, isla markaasna wuxuu ku yaboohay dhismaha toban kun oo guri oo lagu dhisi doono labo sano gudahood. Waxaa kaloo uu ballan-qaaday dhismaha waddooyin cusub sida waddada warshadaha iyo tan Soddonka.

Dhismeyaasha iyo mashaariicdan ka sokow, toban kun oo arday oo Soomaali ah ayaa wixii ka dambeeyay 2011 waxbarasho loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo dufcooyinkii ugu horreeyay ay haatan dib ugu soo laabteen Soomaaliya, iyagoo la shaqeeya hay’adaha Turkiga ee ku howlan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka.

Mashaariicda ay dowladda Turkigu Muqdisho ka fulisay waa kuwo aan la qarin karin oo ka muuqda meel kasta. Taasi waxay waddo cusub u jeexday qaabka deeq-bixiyeyaasha caalamka ay Soomaaliya wax ugu qaban jireen, iyagoo sanad kasta sheegi jiray inay malaayiin doollar ku baxiyaan, inkastoo aysan qaban hal sheey oo muuqda sida Turkida oo kale.

Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in 10 sano ka hor ay Afrika ku lahaayeen 12 Qunsuliyad. Haatan Turkiga wuxuu Afrika ku leeyahay 39 Qunsuliyad, isagoo ku faanay inay Muqdisho ka dhisayaan safaaradda ugu weyn ee ay Afrika ku leeyihiin.

Mashaariicda Turkida ay fulisay ayaa inta badan Soomaalidu waxa ay u arkaan hiil walaal weyn oo u soo gurmaday, kaddib markii ay agoonnimo ku raageen. Hase ahaatee waxay Soomaaliya heshay saaxiib daacad ah oo ay isku halleyn karto, inkastoo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiya uu soo billowday 5 qarni kahor, xilligaas oo ay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ka talineysay dunida Muslimka.

Su’aasha taaganse waxa ay tahay, Soomaalida iyo Turkida oo dhaqan iyo afba ku kala geddisan oo ay dhici karto cadow ay labaduba leeyihiin inuu ka dhex shaqeeyo maka feejignaan doonaan cadowgaas muuqda iyo kan dahsoon ee doonaya inuu hor istaago horumarka iyo waxqabadka uu Turkigu ka wado Soomaaliya? Waa arrin u taalla Soomaalida inay ku baraarugsanaadaan taasi oo ah waajib dusha ka saaran qof walba oo Soomaali ah.

Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey
Photo/Abdullahi Afey