Boqol qof oo muhaajiriin ah oo lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya

452

In ka badan Boqol qof oo tahriibayaal   iyo qaxooti aya la la’yahay  kadib markii sida la sheegay Dooni, ay la socdeen ay ku degtay biyaha u dhaxeeya Liibiya iyo dalka Talyaaniga.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa ku waramay inay soo badbaadiyeen Afar ruux, ayadoo ilaa iyo hadda la la’yahay in ka badan 100 qof, kuwaasi oo la aaminsan yahay inay biyaha ku geeriyoodeen.

Halka Doobida ay ku degatay ayaa la sheegay inay tahay meel 50 kilometer u jirta xeebaha Waqooyi ee dalka Liibiya.

Dadkan ayaa la sheegay inay ahaayeen muhaajiriin u socdaalayay wadamada qaaradda Yurub.

Sarkaal u hadlay ciidamada badda Telyaniga, ayaa sheegay inay soo saareen siddeed qof oo mayd ahaa.

Dadka la badbaadiyay ayaa waxaa ay ku warameen in doonida ay saarnaayeen in ka badan 117 qof.

Jimcihii la soo dhaafay 550 qof oo muhaajiriin ah oo saarnaa doonyo gacan ku samays ah ayaa waxaa badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Talyaaniga, in ka badan  180,000 oo magan-galyo doon ah ayaa sanadkii tagay 2016 kii gaaray wadanka Telyaniga.