Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Milatariga dalkaasi oo tababarayaal ah ay dhowaan soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan tababarada iyo dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
War kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay in ay si weyn uga qeyb qaataan suggitaanka Amniga Soomaaliya.
Sidoo kale boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in qodobo badan oo ka mid ah Ammaanka Soomaaliya diirada lagu saari doono shirka lagu wado in dhowaan lagu qabto Magaalada London ee UK.
Ciidamadaan Biritish-ka ah ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ay hormariyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.