Bulshada rayadka ayaa ugu baaqay Dwoladda Soomaaliya in ay Xal ka gaarto Dagaalka Guriceel

Gudoomiyaha Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya, Cabdulaahi Maxamed Shirwac ,ayaa sheegay in ay aad kaga xunyihiin dagaalada wali ka sii soconaya Guriceel,waxa uuna sheegay in aan sidii loo baahnaa loowajahin xal ka gaarista dagaalka ka socda deegaanka.ssssssssssssssssssss
Mudane Shirwac,ayaa sheegay in ay jiraan dhinacyadu siyaasadeed oo hurinaya dagaalka kuwaasi oo ay ka midyihiin Wasiiro,Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan oo gobolka kuusgan.
Cadbulaahi Maxamed Shirwac ayaa waxa uu sheegay in Dwoladda Soomaaliya looga baahaynyahay in ay Dadka shacabka ah ee kusugan gobola ay u turaan lana joojiyo dagaalka ak socday gobola ee sababay barakaca Dadka rayadka ah.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli maalmihii dambe deegaanka Guriceel ay ka jireen dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac.