Burbur diyaaradeed oo ay ku geeriyoodeen 75 oo ka dhacay dalka Kolombiya

323

47b894cbf39c419081b017c988eb537c_18

Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan diyaarad maanta Ku burburtay wadanka Colombia oo Ku yaala Koonfurta Qaaradda America.

Dayaaraddan ayaa waxaa saarnaa in ka badan 80 qof, waxaa ay kasoo kicitantay wadanka Brazil, kuna sii jiiday wadanka Colombia.

Waxaa ay burburtay xilli ay maraysay hawada Magaalada Madillin oo qiyaastii 230 KM u hirta Magaalada Los palmos ee dalkaasi.img_20161129_163818

Saraakiisha garoonka diyaaradaha Jose Maria ayaa sheegay in la badbaadiyay mix qof oo mid ka mid ah uu Ku dhintay cisbitaalka.

Diyaaraddan waxaa la sheegay in marka  laga reebo Shan ruux inay geeriyoodeen dhammaan dadkii saarnaa, taasi oo ka dhigan in tirada dhImashadu ay gaarsiisan tahay 75 qof.

 

Dadkan dhintay waxaa ka mid ah ciyaartoy ka tirsan mid ka mid ah kooxaha dalka Brazil, kwaasi oo qorshahoodu ahaa in koob heer gobal ah ay kusoo dheelaan dalka Colombia.

7a7dfd4285a94d118e051d3d1edc22ce_18Wariye ka tirsan Aljazeera oo Ku Dugan dalka Brazil ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradda dadka saarnaa ay ka mid ahaayeen wariyaal badan.

Dadkan dhintay waxaa ka mid ah 9 qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda.

Lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee diyaaradan ay u burburtay, hase ahaatee waxaa wadankaasi xiliga burburka diyaaradda ka da’ay robab aad u xoogan.

Musiibadan ayaa waxaa ay noqonaysaa tiigu ugu darnayd tan iyo burburkii diyaaraddii Ku burburtay buuro Ku yaala dalka Faransiiska.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa soo badanayay musiibooyinka la xiriira shilalka diyaaradaha.

In ka badan 280 qof ayaa daqiiqad Ku gudahood geeriyooday sanadkii 2014 ka dib markii gantaal lagu dhuftay diyaarad maraysay hawada dalka Ukraine.

Waxaa ilaa iyo hadda la la’yahay diyaaradii Malesian airlines oo la waayay sanado ka hor, waxaana diyaaddaasi saarnaa in ka badan 200 oo qof oo u badnaa dadka Shiinaha.

img_20161129_163810