Burcad Badeedda Xeebaha Soomaliya oo afduubtay Markab Xamuul ah

322

 

downloadBurcad badeedda Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa inay afduubteen markab Xamuul ah oo laga leeyahay dalka Hindiya.

Warbaahinta India ayaa sheegeysa in Markabkan xamuulka ahaa laga afduubtay gacanka cadmeed, kaasoo ka soo baxay magaalada Dubai.

Markabkan oo ay la socdeen 11 shaqaale ayaa la afduubtay 1-dii bishan, waxaana markabkan ganacsi uu ku sii jeeday dekeda Mukala ee dalka Yemen.

Dowladda India ayaa xaqiijisay afduubka markabkan, waxaana socda tallaabooyin kala duwan oo la doonayo in markabka iyo dadka saaran lagu soo bad baadiyo.

Lama oga illaa iyo hada meel jaan iyo cirib lala aaday markabkan, hase ahaatee loo maleynayo in dhinaca xeebaha Soomaaliya lala aaday.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Burcad badeed Soomaali ay afduubteen markab weyn oo shidaalka qaada, kaasoo watay calanka Srilanka, balse ay aheyd shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Afduubka burcad badeedka Soomaalida oo hoos u dhac ku yimid sanadihii u dambeeyay, ayaa waxaa hada isa soo xoogeysanaya dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay bilaabeen kooxahan hada dib isu abaabulaya.