Burcad haysatay weriye ajnabi ah oo sii daayay

168

Michael-Scott-MooreMichael Scott Moore, oo ah suxufi u dhashay Germany sidoo kalena haysta jinsiyadda waddankaasi Mareykanka ayey sii daayeen koox burcad ah oo afduub ugu haysatay bartamaha Soomaaliya sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha debadda Germany. Dhinaca kalena guddoomiye ku xigeenka gobolkaasi Mudug ee maammulka Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa ka soo qaaday weriyaha raggii sii daayay kaddibna wuxuu geeyay garoonka Gaalkacyo, halkaasoo uu uga sii duulay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isaga oo caafimaad qaba. 

Suxufigaasi oo 45 jir ah ayaa si madaxbannaan wararka ugu qorijiray wargeyska Der Spiegel ee kasoo baxa Germany waxayna burcaddu ka afduubatay magaalada Gaalkacyo, sannadkii 2012-kii xilli uu cilmi baaris ku sameynayay buug ku saabsan burcad baddeeda, hase ahaatee waxay taasi u horseeday in ku dhowaad seddex sanno uu ku jiro gacanta dableydaasi.

Waxaa jira warar tilmaamaya in kooxda haysatay Scott ay ahaayeen burcad baddeed, sidaasi awgeedna la siiyay lacag madaxfurasho ahayd oo lagu qiyaasay hal malyuun oo dollar.