Burundi oo 5,500 askari kala baxaysa Soomaaliya

366

Dowladda Burundi oo markale sheegtay in ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya, laakiin markan waa 2017 ka

Ciidamada dalka Burundi ee Soomaaliya, ku sugan ayaa tiradooda lagu sheegay  5,500, kuwaasi oo ay sheegeen inay kala bixi doonaan Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ah howl-galka Midowga Afrika we AMISOM.

Dawladda dalka Burundi ayaa sheegtay inay ciidamadeena la bixi doonto sanadka cusub ee 2017 hadii wax xal ah aan arinkaa laga gaarin Madaweynaha dalkaa Pierre Nkurunziza, ayaa sidaa sheegay.

Midowga Yurub ayaa lacagihii ka jartay ciidamada Burundi kadib markii dawlada Burundi uu ku eedeeyeen inay ku xad gudubto xaquuqul aadanaha.

In ka badan kun qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rabshado ka dhacay Burundi sanadkan 2016 ka, ayadoo kumaanaan kalena ay ku barakaceen wadamada Harooyinka ee dariska la ah wadankaasi.