Burundi oo dib u baaraysa eedeyn loo jeediyay

195

Barakaca-shacabka

Madaxda sare ee dawladda Burundi ayaa markii ugu horreysay maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday inay guddi gaar ah u soo dirayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasoo gacan ka geysan doona baaritaanno ay imminka wado xukuumaddu oo dib loogu eegayo tacadiyo lagu eedeeyay ciidamadda waddankaasi uga qeyb qaadanaya hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ballanqaadkaasi ayaa yimid kaddib kulan ay magaalada Bujumbura kula yeesheen ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho ku tagay waddankaasi waxayna labada dhinac isla ogalaadeen in la darso waxa ay salka ku hayso eedeyntaasi loo soo jeediyay askartooda.

Dhinaca kale, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa hadalkaasi si weyn u bogaadiyay, isaga oo sidoo kalena soo dhoweeyey dadaallada ay dawladda Burundi ku dooneyso in ammaanka iyo nabadda dib loogu soo celiyo Soomaaliya, wuxuuna ra’iisulwasaaruhu carabka ku adkeeyay inay muhim tahay ka gungaarista eedeymaha lagu soo bandhiggay warbixintii Human Rights Watch ee cinwaankeedu ahaa ‘xoogga ay raggaan nagu haystaan waa si xun uga faa’iidaysi galmo iyo tacaddi’ taasoo ka dhan ahayd ciidamadda AMISOM.

Hey’adda Human Rights Watch ayaa ku eedeysay taliska AMISOM ee Soomaaliya inay dhiiri geliyeen hab-dhaqan aan marnaba loo dulqaadan doonin marka ay timaado dhawrista xuquuqul isnaanka waxayna ku talisay in saraakiishu ay la socdaan arrimaha shari darrada ah ee ay ku kacayaan askartooda ku sugan saldhigyada Muqdisho mararka qaarkoodna adeegsanaya rag Soomaali ah oo dumarka si xeeladaysan ugu keena, iyaga oo marka hore dumarka u ballanqaada in kaalmo loo fidinayo − balse kula kaca galmo dumarka iyo gabdhaha aadka u nugul ee u soo raadsaday biyo, cunno iyo dawo.

Warbixintaasi ayaa ku salaysan cilmi baaris lagu sameeyay gudaha magaalooyinka Muqdisho, Kampala iyo Bujumbura muddo ka badan sannad waxaana ku jira wareysiyo lala yeeshay dad kala duwan oo qaarkood ah dhibanayaal la kufsaday 2013-kii, waxayna ugu danbeyntii Human Rights Watch ugu baaqdey Midowga Afrika inay sameeyaan baaritaan degdeg ah oo wax looga qabanayo falalkaasi si loo ciqaabo gaboodfalayaasha loona xaqiijiyo in dhibanayaasha la taageero.