Burundi oo dalkeeda ka mamnuucday BBC iyo VOA

231
Madaxwaynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo xafiiska jooga tan iyo 2005-tii [Sawirka waxaa qaaday Evrard Ngendakumana waxaana iska leh Reuters]

Madaxwaynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo xafiiska jooga tan iyo 2005-tii [Sawirka waxaa qaaday Evrard Ngendakumana waxaana iska leh Reuters]
Dowladda Burundi, ayaa Ku dhawaaqday in dalkeeda ay ka mamnuucday qaar ka mid ah warbaahinta dalalka reer Galbeedka ka hor aftida dadwayne.

War ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka dalka  Burundi ee loo yaqaano The National Communications Council (NCC) waxaa lagu sheegay in dalka laga mamnuucay Warbaahinta kala ah BBC iyo  VOA.

Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in shaqda laga joojiyay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee dalka Burundi gaar ahaan kuwa dhanka mucaaradka u janjeera.

Dowladda Burundi, ayaa BBC waxaa ay Ku eedaysay in Istuuyahooda ay Ku martiqaadaan dad dalka Burundi kasoo jeeda kuwaasi oo Ku hadla hadalo nacayb Ku salaysan iyo sidoo kale hadallo dhaawaqaya madaxwaynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza.

VOA-da ayaa dhankeeda Dowladda Burundi waxaa ay Ku eedaysay in ay u shaqeeyaan wariyaal reer Burundi ah oo dhaleeceeya Nadaamka Caddaaladda dalkaasi.

Labada warbaahin waa BBC iyo VOA-da ee waxaa la sheegay in si guud ahaan ah loo mamnuucin hase ahaatee kaliya laamahooda Ku hadla luuqadda Kirundi ee dalkaasi looga hadlo.

Guddiga Doorashooyinka waxaa ay tilmaameen in xanibaadda lagu soo rogay warbaahintan ay socon doonto ugu yaraan muddo Lix-bilood ah.

Arintan ayaa imaanaysa Isbuuc un ka hor aftida dadwayne ee la qorshaynayo in dadka reer Burundi ay wax laga badalaan waqtiga xilka uu joogi karo madaxwaynaha dalka.

Pierre Nkurunziza, madaxwaynaha dalka Burundi ayaa lagu eedeeyay in uu kursiga isku dhajinayo kaasi oo xilka haya tan iyo sanadkii 2005-tii.