BUUG CUSUB: Qarankii Is-Qoorgooyey: Soo If-bixii iyo Dhiciddii Taliskii Siyaad Barre, 1969-1991

1814

Maxamed Xaaji Ingiriis

Email: ingiriis@yahoo.com

Waxaa dhawaan soo baxay buug cusub oo aan ka qoray siyaasaddii, dhaqdhaqaaqii iyo qaab-u-howlgalkii xukunkii militariga ahaa ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Buugga oo ku qoran af-Ingiriisi, waxaa cinwaankiisu yahay The Suicidal State in Somalia: The Rise and Fall of the Siad Barre Regime, 1969-1991 oo macnaheedu yahay Qarankii Is-Qoorgooyey: Soo If-bixii iyo Dhiciddii Taliskii Siyaad Barre, 1969-1991. Waxaa buugga oo ka kooban 382 bog daabacay Madbacadda Jaamacadda Mareykanka ee fadhigeedu yahay gobolka Maryland ee dalka Mareykanka (University Press of America). Waa buuggii labaad oo ku saabsan Soomaaliya ee madbacaddaasi daabacdo illaa sannadkii 1997 oo ay soo saareen buug ka hadlaya burburkii Soomaaliya oo ay qortay Alice Bettis Hashim.

Buuggeyga cusub, wuxuu si cilmi ah u darsayaa dhaawicii Dagaalkii Qaboobaa uu gaarsiiyey dimoqraadiyaddii curdanka ahayd ee Soomaaliya 1960 illaa 1969-kii iyo cawaaqibka ay taasu ku keentay burburkii qarannimadii Soomaaliya. Waxaa buugga u ah ka-baraandeg cilmiyeed xukunkii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Illaa iyo hadda, daraasadda keliya ee laga sameeyey xukunkii militariga waa PhD thesis-ka ku qoran af-Faransiiska ee uu qoray Daniel Compagnon oo cinwaankeedu yahay Ressources PolitiquesRégulation Autoritaire et Domination Personnelle en Somalie: Le Régime Siyyad Barre (1969-1991) oo macnaheedu yahay Kheyraadka Siyaasadeed, Xukunka Keli-Taliska iyo Is-Qabsashada Shaqsiga ah ee Soomaaliya: Taliskii Siyaad Baarre (1969-1991).

Dhowr sano ka hor ayaa mutacallimiinta waaweyn ee Daraasaadka Culuunta Afrika waxay billaabeen inay ka doodaan sababta wadammada Afrika ee badankood ay xorriyadda hanteen 1960-kii ka reebay wadammadii kale ee dhiggooda ahaa ee qaaradaha Eeshiya iyo Koonfur Ameerika. Mar allaale markuu gumeysiga ka baxo qaaradda, waxaa saadaashu ahayd in ummadaha Afrika ay dhex maquuran doonaan barwaaqo iyo bashbash. Maxaa u sabab u ah in wadammada Afrika qaarkood, sida Soomaaliya, Liberia, Cote d’Ivoire, Chad, Congo, Sierra Leone, Angola, Mozambique iyo Sudan ay dhex maquurtaan dhiig, dhac iyo halaag. Iyadoo su’aalahaa laga ambaqaadayo, mutacallimiinta waaweyn sida Mahmood Mamdani waxay yiraahdeen waxaa ugu wacan gumeysigii ka kacay oo abuuray qaab-dhismeed qarameed u horseeday colaado. Mutacallimiin kale ayaa soo baxay oo uu ugu horreeyo Achile Mbembe, waxayna ku doodeen dhibaatadu ma ahan gumeysiga ee waa hoggaamiyeyaasha Afrika. Buuggu wuxuu dhex-dhexaadinayaa labadaas mowqif, wuxuuna soo bandhigayaa dooddaas mid u dhow, balse ka yara duwan, oo ah in gumeysigu mas’uuliyaddii maamulka Afrika ku wareejiyey hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ahayd inay iyagu daryeelaan ummaddooda, balse ka doorbiday inay ku dhaqmaan siyaasaddii uu mutacallimka Faransiiska ee daraaseeya Afrika, Jean-Francois Bayart, ku tilmaamay siyaasaddii caloosha (the politics of the belly).

 

Afkaarta iyo fekradaha uu buuggu xambaarsan yahay waxay ku xiriirsan yihiin doodaha ka socda Daraasaadka Culuunta Afrika ee ay horkacayaan Mamdani iyo Mbembe. Doodda buuggu waxay tahay in hoggaamiyeyaashii militariga ee uu gumeysigu u carbiyey inay dadka u cabburiyaan ay u isticmaaleen xirfaddii loo tababaray inay dadkooda ku gumaadaan. Tusaalaha buuggu farta ku fiiqayo waxaa ka mid ah Mobutu Sese Seko iyo Maxamed Siyaad Barre. Cutubka koowaad ee buugga wuxuu isku dayayaa inuu qaab cusub u jeexo doodda oranaysa wixii Afrika ka qaldamay xorriyaddii kaddib, waxaa gundhig u ahaa qaab-dhismeedkii qarannimo ee uu ka tagay gumeysiga iyo doodda kale ee oranaysa wixii qaldamay waxaa qaldamay hoggaamiyeyaashii Afrika. Si kale haddii loo dhigo, doodda buuggu waxay tahay shaki inuusan ku jirin in gumeysigu musiibo ku ahaa Afrika, laakiin dhaxalkii uu ka tagay gumeysiga mid ka sii weyn waxaa ka tagay hoggaamiyeyaashii militari ee qaaradda Afrika inqilaabka qoriga caaradiis ah ku qabsaday 1960-maadkii, sidii ka dhacday Soomaaliya 21 Oktoobar 1969.

Qaab-u-daraaseyn ka duwan sidii hore iyo xirfad cilmi-baaris oo cusub oo wax loo baaro ayaa sal u ah buugga maadaama xukunkii militarigu uu diiday in taariikh xornimo-doon ah oo iyaga ka horreysay aysan jirin. Haddii aad dhegeysatid heesihii ammaanta ahaa ee loo tiriyey taliska, waxaa ku jirtay ‘ambadkeedi lumay isu ururinteed, onkod iyo hilaac u darafideed, ileyskii xornimo ugu baaqideed adigaa lahaa, Oktoobareey adigaa lahaa’. Haddaba, yaa dilay Cabdirashiid Cali Sharmaarke? Maxaa loo dilay? Maxaa lagu dilay? Sidee loo abaabulay loona fuliyey inqilaabkii 21-kii Oktoobar 1969? Sidee u dhacday maxkamaddii maqaarsaarka ahayd ee dilka ku xukuntay Jeneraal Maxamed Caynaanshe Guuleed, Jeneraal Salaad Gabeyre Kediye iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Cabdulle Dheel? Yaa ku marqaati-furay Salaad Gabeyre intii ay maxkamaddaasi socotay? Muxuu ahaa dhaqdhaqaaqa iyo dareenka Salaad Gabeyre intaan la toogan ka hor? Qaabkee loo xiray, loo xukumay, loona laayey culumadii Soomaaliyeed ee tobanka ahayd ee ka dhiidhisay khudbaddii uu Maxamed Siyaad Barre ku nasaqay jiritaanka suuratu Nisaa? Maxaa dareen ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ku muujiyeen dhacdadaas? Sidee ayuu u dhacay dagaalkii 1977? Sidee loo qorsheeyey inqilaabkii 1978, maxaase fashiliyey? Maxaa u sabab u ahaa soo if-bixii jabhadihii ka dhiidhiyey xukunkii militariga? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayuu buuggu u helayaa jawaabo cusub.

 

Inkasta oo aad u adag tahay in saddex waxyaabood – caqli, cilmi iyo xikmad – la isugu keeno hal buug, haddana waxaan ku dadaalay inaan saddexdaba ku kulmiyo buuggaan. Buuggu wuxuu ka billaabayaa caaqilkii weynaa ee xikmadda badnaa Faarax Maxamed Cali (Faarax Gogoleey) oo hadlaya sannadkii 1959-kii, isagoo oranaya ‘Soomaaliyey, indhihiina ayaan arkaa, mar ay noqoto tuugo waa idiin talee’. Dhextaalka buugga waa cilmibaaristii aan soo ururiyey, wuxuuna ku dhammaanayaa caqligii abwaaniin Soomaaliyeed ay ku saadaaliyeen burburka iyo baa ba’a ku habsan doona Soomaaliya oo ay adkaan doonto in laga baxo. Cutubka u dambeeya ayaa jiho cusub u jiheynaya Soomaaliya oo ay kaga bixi karto dhibaatada, taasoo ah in dib loo qaabeeyo qaab-dhismeedka qarannimo ee Soomaaliya, lagana ilaaliyo in la raaco jidkii markii hore ay ku burburtay dowladnimadii Soomaaliya.

 

Buuggu wuxuu ku saleysan wareysiyo aan la kala yeeshay madax sare oo ka tirsanayd taliskii militariga (ha noqoto wasiirro hore, diblomaasiyiin iyo madax militari iyo boolis isugu jira), dokumentiyadii dowladda (kuwii sirta ahaa iyo kuwii lagu daabici jiray Bollettino Ufficiale della Repubblica Democratica Somalo), qaar ka mid ah faylashadii CIA-da iyo KGB-da ee ku saabsanaa Soomaaliya xorriyadda kaddib iyo faylal ku kaydsan aarkiifiyada Ingiriiska (the UK National Archives). Xog-soo-ururinta buugga (data gathering) waxay qaadatay muddo shan sannadood ah, laakiin qoristiisu waxay ahayd sagaal bilood (laga soo billaabo bishii Disembar 2013 illaa iyo bishii Siteembar 2014). Muddadii intaas ka dambeysay buuggu wuxuu ku jiray qiimeyntii lagu daabici lahaa (publication review). Marba waxaa eegayey mutacallimiin ay tahay inay oggolaadaan in la daabaco ama diidaan. Ilaahey xamdigii, ugu yaraan shan mutacallim oo waaweyn ayaa ku taliyey in la daabaco buugga maadaama ay isku raaceen inuu soo bandhigayo cilmi cusub, xog cusub iyo daraasad cusub.

Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee Daraasaadka Afrika (Siyaasaddeeda iyo Taariikhdeeda) ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford ee waddanka Ingiriiska. Waxaa kale oo macallin (associate fellow) dhawaan looga magacaabay jaamacadda King’s College London.