Buulo Burde: Weerar Qarax ah oo laga hortagay

176

Buulo Burde Ciidamada DFS ayaa Maanta oo Jimco ah ka hortagay Weerar Qarax ah oo ka dhici lahaa Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Khaliif Cabdi Cumar, oo kamid ah Saraakiil Ciidamada ayaa sheegay in ay toogteen Maanta Saacadu markii ay ahayd 12:20 pm Nin damcay in uu Bomb-ka Gacanta ku weeraro Ciidamada DFS oo ku sugnaa Barkoontarool.

Wiil 20 Sano Jir ah oo la socday Gaari HOMY ah ayaa inta uu kasoo degay Gaari ayaa waxa uu isku dayay in uu Bomb uu watay ku tuuro Ciidamo ku sugnaa Barkoontarool oo ku taalla Buulo Burde, balse ma aysan u suura galin oo waa la toogtay,” ayuu yiri Khaliif Cabdi.

Wuxuu kaloo sheegay in Wiil uu la socday Aabihii dhalay xilliga uu kasoo degayay Gaari, islamarkaana ay xireen Aabaha oo hadda Su’aalo ku weydiinayaan Saldhiga Degmada.

Wiil waxa uu u muuqday Qof Daroogaysan, waxaa uu Gaanjada ka gooyay markii uu kasoo degay Gaariga Bomb uu watay, taasi oo isaga la qaraxday oo uu ku dhaawacmay, inta uusan soo gaarin Meesha uu la rabay, kadibna waxaa toogtay Ciidamada isagoo dhaawac ah,” ayuu raaciyay Khaliif.

Buulo Burde ayaa ka dhacayay Weeraro isagu jira Qaraxyo iyo kuwa Fool-ka-Fool ah oo Kooxda Al shabaab ku qaadayaan Xarumaha Ciidamada DFS iyo AMISOM oo Labo Todobaad kahor Degmada qabsaday.

www.xaqiiqa.com