Buulo Xaaji oo ciidanka isbahaysigu ku siqayaan

778

AMISOM-Kenya0Wararka laga helayo gobolka J/hoose ayaa ku warramaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamadda isbahaysiga iyo dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya uu ka socdo duleedka Buulo Xaaji, xilli ay ciidamaddu isku dayayaan inay dib u la wareegaan deegaankaasi iyo kuwa kaloo gacantooda weli ka maqan.

Sarkaal u hadlay ciidamadda huwanta ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku qarxay kaddib markii ay u ruqaansadeen dhinaca Buulo Xaaji, halkaasoo qorshuhu yahay inay markale ka saaraan wuxuu ugu yeeray “Al-shabaab ay horey uga soo sifeeyeen guud ahaan deegaannada Joore” ee gobolkaasi J/hoose.

Wuxuuna intaasi sii raaciyay in ciidamaddoodu ku sii siqayaan deegaankaasi oo hadda ay aad ugu dhow yihiin, ayna saacadaha soo socda gacanta ku dhigi doonaan.

Dhinaca kale, Shabaab ayaa dhankooda dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gudaha Buulo Xaaji si ay uga hortagaan duullaanka ku soo wejihan deegaankaasi.

Ilaa iyo imminka si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi oo madaafiic kala duwan la isku adeegsaday.