Buunkii Faarax Sindiko uu Afuufay oo Zurich Ka Yeeray 13 sano Kadib

Cabdinuur Maxamed Axmed

Faarax Wehliye Caddoow, Alle ha u naxariistee, oo kamid ahaa aabayaasha isboortiga Soomaaliya, kaalin mug lehna ku dhex lahaa bulshada isboortiga caalamka, ayaa sanadkii 2002 buunkii uu afuufay ee uu ku sheegay in FIFA iyo Madaxa ugu sarreeya ee Sep Blatter ayay doonayaan in ay musuqmaasuqaan doorashada guud oo xilligaa ay baratan ugu jireen Sep Blatter iyo Ciise Xayatuu.

Faarax Sindiko ayaa musuqa uu sheegay in Blatter ku doonaayo in lagu doorto ku muteystay in ciyaaraha oo dhan laga ganaaxo muddo 10 sano ah. Xilligaas aduunyada oo dhan aad bey ula fajagday in nin aan dalkiisu dowlad iyo taag midna lahayn uu isku taago Blatter oo aysan cidna ka hor imaan karin waagaas.

Maalmihii tagay waxa ay ahayd waqtigii ugu xumaa ee madaxnimada xiriirka FIFA ee Sep Blatter oo markii shanaad loo doortay iyo sumcadda guud ee xiriirkaas kadib markii la shaaciyay in musuqmaasuq baahan ay gacmaha kula jiraan saraakiil ka tirsan xiriirka FIFA. Blatter ayaa cadaadis kadib iska casilay jagadii usbuuc kahor loo boqray.

Inkastoo Blatter uu ku guuleystay doorashadii dabayaaqadii bishii hore dhacday, hadana waxaa halkaas ka soo ifbaxday in wixii Halyeey Sindiko sheegay 13 sano kahor uu xaqiiq ahaa, uuna noqday geesi garab iyo gaashaan waayay.

Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka xiiseeya ciyaaraha waxaa guul u ah in Faarax Wheliye Caddoow buunkii uu afuufay si uu xaqa u sheego in uu ugu dambeyntii ka yeeray Zurich, Switzerland  oo ah meesha Sep Blatter uu ka hagayay mid kamid ah hay’adaha isboorti ee ugu musuqmaasuqa badan taariikhda kubadda cagta.

Faarax Wehliye Caddoow ayaa xilala sare kasoo qabtay isboortiga Soomaaliya, kan Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Xiriirka Afrika ee CAF iyo Golaha Dhexe ee FIFA. Kadib dhawr sano oo uu ka dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya, Faarax Sindiko ayaa geeriyooday sanadkii 2008, isaga oo aan wali dhameysan ganaaxii uu duldhigay Blatter ee dulmiga ku dhisnaa.

Ugu dambeyntii, buunkii uu afuufay waaya araggii Soomaaliyeed ee Faarax Wehliye Caddoow (Sindiko) waxa uu ka yeeray Zurich 13 sano kadib oo ay carruurtiisa, qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in Halyeel Faarax mar un cadaalad helo.