Muqdisho oo ‘baaritaano waaweyn’ ka socdaan

180

Al Shabaab soldiers patrol in formation along the streets of Dayniile district in Southern MogadishuDawladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay 15 qof, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin dagaalyahanka ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab kaddib markii ay ciidamaddu baaritaano waaweyn ka sameeyeen xaafadaha qaarkood ee magaalada Muqdisho.

Hawlgalka lagu qabqabtay raggaasi ayey ciidamadda booliska oo kaashanaya kuwa sirdoonka qaranku ka fuliyeen isgoysyada Banaadir, KM4 iyo waddooyin kale oo muhim ah, sidoo kale askarta ayaa baarayay dhammaan gaadiidka iyo dadka saaran ee isaga kala gooshaya jidadkaasi.

Inkastoo aan la ogeyn ujeedka rasmiga ah ee baaritaanada socda haddana waxaa lagu soo beegay, xilli dhawaan wasiirka amnigu uu ka digay wuxuu ugu yeeray ‘shar’ kasoo fool leh Shabaab.

Dhinaca kale, goor sii horreysay afhayeen u hadlay xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay inay qaadi doonaan weeraro loogu aargudayo hoggaamiyahoodii la dilay.

Shabaab ayaa imminka wejihaya dagaalkii ugu weynaa abad – ma ahan oo keliya duqeymaha cirka ee Maraykanka, balse AMISOM oo kaabaysa ciidamadda dawladda ayaa duullaan dhinaca dhulka ah ku qaaday deeggaanada ay maammulaan ururkaasi.