Cabashooyin Ka Jira Xulista Ergada Dooraneysa Xubnaha Barlamaanka

2266

W/Q: Maxamed Cali Axmedimg-20160920-wa0020

Waxaa bilowday soo xulista ergadii dooran lahayd Barlamaanka Cusub ee Heer Federaal (Aqalka Hoose iyo Midka Sare). Qabaa’illada kala duwan ayaa iska soo saaraya ergadii ku matali lahayd doorashooyinka dadban ee ka dhacaya magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba, Cadaado iyo Garoowe. Waxaan wali caddeyn meesha lagu xuli doono xubnaha Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo aan wali yeelan Dowlad Goboleed.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu Soo xulayaa Xildhibaannada ka imaanayo Goballada Waqooyi ee Hada la magac baxay Somaliland, walow ay jiran cabashooyin odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo goballadaas ay qabaan, oo gabi ahaan qaadacay go’aanka shirkii Madasha Qaran.

Xildhibaanada ka Soo jeedo Labada gobal Hiiraan iyo Sh/Dhexeayaa dood badan ka taagantahay. Doodas oo ah in odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo labada gobal ay doonayaan in ay ka kala dhacaan labada magaalo ee ah Baladweyne iyo Jowhar. Wali ma caddo in ay taasi dhici doonto iyo in kale.  Balse muranno aad u fara badan ayaa ka jiro meesha xulista Barlamaanka lagu qabanayo.

Waxaa kale oo jira in dhanka Galmudug ay ka socdaan hawlo lagu qorayo ergooyinkii xuli lahaa Xildhibaannada. Magaalada Cadaado waxaa buux dhaafiyay rag iyo dumar u sharraxan kuraasta labada aqal. Aad baa loo saluugsanyahay maamulka jira iyo dowladda Dhexeba in ay dhexdhexaad ka noqdaan tartanta la galayo.

Si kastab ha ahaate doodaha dhinac doorashada ee Barlamaanka cusub hadii durbo musuq iyo wax isdaba marin uu ku bilowday maxaa laga filan karaa dhinac kale ee Ma/amullada Jubbaland iyo Puntland oo iyaguna Guddiyada Doorashada Dadban ee heer Dowlad Goboleed ay codsadeen in ergada lasoo gudbiyo.

Guddiga Doorashada Dadban ayaa sidoo kale cabasho xoogani ka jirtaa iyadoo Si xoogan loo dhaliilayo Guddiga doorashada Jubbaland oo la leeyahay qabaa’ilka qaar ayey faragalin ku hayaan. Buuqa odayaasha iyo siyaasiyiinta u taagan xilalka loo tartamayo oo aan la qarin karin, haddana jawaab kama bixin sidii loo turxaan bixin lahaa murankan jira.

Koonfur Galbeed  waa meelaha doodaha ugu xooggan ay ka socdaan, waliba mida odayaasha dhaqanka oo laga hoos sameeyay odayaal uu maamulka wato, taasi oo ka hor imaneyso heshiiskii Madasha Qaran ee ahaa in odayaasha dhaqanka loo madax banneeyo soo xulista ergada. Laakiin taasi ma dhicin oo Madaxweynaha Koonful Galbeed Mudane Shariif Xasan ayaa faraha si toos ah ugla jiro oo odayaasha dhaqanka odayaal kale ka dhinac sameystay. Haddaba buuqa xoogan ee hadda bilowday sidee lagu qanci karaa in ay doorashooyinku noqdaan kuwa xalaal ah? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Quraan alifka ka khaldamay Al baqara kama tooso. Taasi oo aan ula jeedo haddiiba soo xulista ergada eex ay ku bilaabatay, sow wax dhan caddaalad darro iyo eex  kuma dhammaan donaan?

Haddii inta ay goori goor tahay aan la daba qaban hannaanka doorashada iyo sida ay hawshu ku socoto, waxaa ka dhalan kara in a helo Barlamaan aan ka turjumeynin danaha dalka iyo dadka. Waxaan soo jeedinayaa in madaxda sare ee dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyadaba in ay ka fogaadaan in ay dhaawacaan kalsoonida lagu qabi karo doorashada. Waana in ay iska daayaan nin jecleysiga iyo kooxeysiga aan dalka iyo dadkaba dan u ahayn. Doorasho xalaal ah ayaa dhasha dowlad xalaal ah oo loo simanyahay. Soomaaliya ma xamali karto afar sano oo kale oo maamul xumo iyo musuqmaasuq ah.

F.G: Qoraagu waa Guddoomiyihii Hore ee Degmada X/Jajab, isaga ayayna u gaar tahay aragtida qormadan.