Cabdi Qaybdiid oo Sheegay in Shirka G/Dhexe Lagu Qabanayo Cadaado

Cabdi Qeybdiid Maxweynaha Galmudug

 

 

Cabdi Qeybdiid Maxweynaha Galmudug
Cabdi Qeybdiid Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ‘’Qaybdiid’’ ayaa magaalada Cadaado uga dhawaaqay in shirka Maamul u samaynta Gobollada dhexe uu ka dhici doono degmada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximin yo Xeeb.

Cabdi qaybdiid oo la hadlay Warbaahinta qaar ayaa sheegay in Dowladda federaalka ay horey u iclaamisay goobta shirka lagu qabnayo iyaguna ay sidaasi u taagersan yihiin. Waxa uu sheegay in cidii diidan shirka inuu Cadaado ka dhaco ay kala hadasho madaxda Dowladda Soomaaliya oo shirka hogaaganka u haya sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Qaybdiid ayaaa sheegay in toddobaadyada soo socda uu shirku ka furmi doono magaalada Cadaado, Dowladda Federaalka ahna ay masuul ka tahay amaanka iyo fulinta shirkaasi. Dhankkale waxa uu intaasi ku daray inuu ka mid yahay mushaxariinta u taagan madaxtinimada Maamulka Gobollada Dhexe hadii laga guulaystana uu aqabalayo naajiida uuna la shaqeyn doono cidii ku soo baxda tartanka.

Goobta lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaan wali is afgarad buuxa laga gaarin iyadoo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya safar saddex maalmood qaatay oo uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb uu ku soo dhamaaday najiida la’aan  halka ergooyinka ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ay ku adkaysanayaan wali in madasha shirku tahay magaalada Dhuusamareeb.