Cabdi Xashi oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Abshir Bukhaari oo loo doortay ku xigeenka 1-aad

369

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi C/laahi, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.

Cabdi Xaashi C/laahi oo la tartamayay Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland ayaa helay 43, halka Mustaf uu helay 9 cod.

Guddiga Qaban qaabada Doorahsada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu kui guuleystay Cabdi Xaashi C/laahi oo helay 43 cod, halka Mustafe oo la tartamayay uu helay 9 cod.

Dhanka kale

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.

Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa waxa uu helay codad gaaraya 30 cod halka Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo la tartamayay uu helay codadka 22.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare in uu guuleystay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari).

Doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad ayaa l

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, oo ay ku tartamayaan ilaa 7 Musharax, kuwaas oo kala ah:-

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.