Cabdifataax Shaawey oo loo magacaabay agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

421

shaawey

C/fataax Ibraahim Cumar Shaawey ayaa loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, isagoo mar kale la shaqayn doonta Axamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Warbaahinta ayaa heshay warqadda  lagu magacaabay C/fataax Shaaweeye, waxaana warqadan ku saxiixan Wasiirka Amniga Gudaha  ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Inkastoo warqadan ay maanta un soo shacaa baxday, hadana taariikhda ka muuqata magacaabida ayaa ah mid muujinaysa in lasoo saaray bishii April, ee sanadkan.

C/fataax Shaaweeye ayaa xilal kala duwan soo qabtay, waxaa horey u ahaa Taliye kuxigeenka  Hay’dda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Hoos ka akhriso warqadda lagu magacaabay Mr. Shaawey.

warqada1