Cabdikariim Xuseen Guuleed oo u Tartamaya Hoggaanka Gobollada Dhexe

guuleed-1Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Xaqiiqa Times ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo hadda La-taliye u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu ku biiro murashaxiinta u tartamaya hoggaanka maamulka laga yagleeli doono Gobollada Dhexe ee dalka.

Warkan oo aan ka helnay ilo xogogaal ah ayaa xaqiijinaya inay jiraan qaar ka tirsan siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada Gobollada Dhexe oo kulamo gaar ah la qaatay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed si uu taageero buuxda ugu helo tartanka uu doonaayo inuu u galo hoggaaminta maamulka dhismi doona.

Murashaxnimada Cabdikariim ee Madaxweynennimada Gobollada Dhexe ayaa haddii ay dhab noqoto waxa ay tartanka ka dhigeysaa mid kulul oo xiiso leh. Waxaa la saadaalinayaa in uu ugu yaraan ka mid noqon doono labada ugu dambeysa ee isku soo hari doonta.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe waxa uu ahaa nin ka dhex muuqda bahda waxbarashada, inkastoo tan iyo 2012 uu ahaa nin siyaasadda dalka ka dhex muuqda, waliba labadii Xukuumad ee tan haatan jirta ka horreeyay wuxuu ka qabtay xilal wasaaradeed.

Marka laga soo tago inuu ahaa dadkii dhidibbada u taagay xisbigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada kusoo galay ee PDP, ayaa haddana dadka sida hoose u yaqaanna waxa ay sheegayaan in uu yahay shakhsi firfircoon oo abaabulka aad ugu dheereeya, taasoo suuragelin karta in uu tartanka ka dhigo mid furan oo aan la saadaalin karin.

Waxa uu ku biirayaa murashaxiin badan oo hore u shaaciyay inay u tartami doonaan jagadan sida Maxamed Cilmi Afrax, Korneyl Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Xasan Nuur Qalaad.

Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo la filayay inuu ka furmo magaalada Cadaado koowda bisha Maajo ayaa laga yaabaa inuu dib-u-dhac ku yimaado sababo farsamo awgood, maadaama wali qaybo ka tirsan gobolka ay isku horfadhiyaan ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maleeshiyaadka Maamulka Gobolka oo Dowladda taabacsan.

Haddii uu dib u dhacaas yimaado waxa uu fursad siinayaa siyaasigan xilliga dambe kusoo biiraya tartanka madaxtinnimada Gobolladan, maadaama aad mooddo in haatan waqti badan uusan jirin oo uu ku galo olole baaxad weyn oo ay natiijo wax ku ool ah kasoo bixi karto.

Waxaa kaloo socda shirar dib u heshiisiin ah oo ka billowday degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo meel fiican maraya. Shirarkan ayaa beelaha walaalaha ah ee dega labadan Gobol waxay uga heshiinayaan daanooyiinkii kala gaaray 25-kii sano ee burburka iyo dagaallada sokeeye ay dalka ka jireen.