Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo loo magacaabay Guddoomiyaha Baniga Dhexe ee Soomaaliya

146

Waxaa maanta la magacaabey guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo ah khabiir xagga maaliyadda ah.

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa waxaa uu ku soo biiray wasaaradda maaliyadda 1986, waxaa uu ka soo shaqeeyey dalalka Norway, UK, Yemen iyo gobolkan geeska Afrika.

Xagga waxbarashada waxaa uu shahaadada 2aad ka heystaa maaliyadda iyo Bangiyada ee jaamacadda Liverpool John Moores University isaga oo shahaadada 1aad ka heysta maamulka iyo maareynta ee The Norwegian University of Science and Technology.