Ra’iisulwasaaraha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa in muddo ah markii ugu horreysay isku shaandhayn kooban ku sameeyay golihiisa wasiiradda qaarkood, waxaana isku beddelkaasi dhinaca xilalka ah uu kala dul dhacay ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiiro ku xigeenno dhammaantood ka wada tirsan xukuumadda imminka jirta.
Wareegto goor hore oo saaka ahayd ka soo baxday xafiiska ra’iisulwasaare Cabdiweli, ayaa loo dhiggay sidaan:-
1–wasiirka wasaaradda garsoorka iyo arrimaha dastuurka, Saalim Caliyoow Ibroow
2–wasiirka xannaannada xoolaha, dhirta iyo daaqa, Faarax Sheekh Cabdulqaadir
3–wasiiru-dawlaha wasaaradda maalliyadda, Burci Maxamed Xamsa
4–wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo dhiirigelinta maalgashiga, Cabdullaahi Maxamed Nuur
5–wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo dhiirigelinta maalgashiga, Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan
6–wasiir ku xigeenka wasaaradda maalliyadda, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow
7–wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga, Mahad Maxamed Salaad
8–wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshaddaha, Marwo Fahmo Axmed Nuur