Cabdullaahi: shuruud la’aan ayaa la igu sii daayay

367

Cabdullaahi-Sheekh-Xasan2Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuqraadiyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta la hadlayay warbaahinta madaxabannaan ayaa sheegay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayay, hase ahaatee lagu wargeliyay in 22-ka bishaan aynu ku jirno uu hor tagi doono maxkamadda gobolka Benaadir si buu yiri su’aalo looga weydiiyo arrimo aan horey loo sii shaacinin oo loo haysto siyaasigaasi wuxuuna sidoo kale u mahad celiyay cid kastoo gacan ka geysatay sii deyntiisa.

ilaa iyo imminka si rasmi ah looma oga sababta keentay in maxkamad lasoo taajiyo bale siyaasiga ayaa lagu tiriyaa shaqsiyaad si weyn u naqdiya siyaasadda guud ee madaxda dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, sida ay Xaqiiqa Times xog ku heshay taliska guud ee ciidamadda ammaanka dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dammaanad dib ugu soo sii daayay siyaasiga, iyaga oo xushmeynaya baaqyo ay u gudbiyeen salaadiin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Muqdisho, kuwaasoo dadaallo xooggan u galay sidii loo siideyn lahaa Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayey Arbacadii lasoo dhaafay ciidamaddu ku xireen garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, xilli uu kasoo degayay diyaarad uu kasoo raacay Nairobi waxaana baaritaanno ku waday muddo labo maalmood ah saraakiisha laanta sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka ee NISA.

Goor sii horreysay ayey ahayd markii Cabdullaahi Sheekh uu ka samatabbaxay isku dhac dhex maray ciidamadda ammaanka oo kaashanayey kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Axmed Daaci.