Cadaado oo martiggelinaysa shirka gobollada

189

Ciidan-dawladdeed04Dadaallo waaweyn oo lagu doonayo in lagu qabto shirweyne maammul loogu sameynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa imminka ka socda magaalada Cadaado ee gobolkaasi Galguduud, iyada oo ay halkaasi kusii qulqulayaan ergooyin iyo wefuud kala duwan oo ka qaybgelaya shirarka oo ay u jeeddadiisu tahay sida marka hore loo siin  lahaa door wadatashi bulshada ku nool gobolladaasi.

Cadaado waxaa ku sugan guddi farsamo oo si gaadh ah ugu xil saaran gacan ka geysashada dhismaha maammulkaasi, masuuliyiinta Galmudug, Ximan iyo Xeeb waxaana sidoo kale lagu wadaa inay magaaladaasi gaadhaan saraakiil sare oo tirsan ururka Ahlusunna ee inta badan ka taliya gobolka Galguduud.

Dhinaca kale, sida ay Xaqiiqa Times xog ku heshay ciidamadda AMISOM ayaa qorshuhu yahay inay ka qayb qaataan hawlaha ammaanka ee shirkaasi Cadaado.

Dhowaan ayey ahayd markii lagu heshiiyay in maammmul guud oo rasmiya ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.