Cadaado: Saadaal Aan Suubbanayn!

447

Doorashada Cadaado ee lagu doortay baarlamaan iyo guddoomiye baarlamaan iyo labadiisa ku-xigeen ayaa ah guul siyaasadeed oo u soo hoyatay maamul-goboleedka cusub ee Galmudug.

Doorashada ayaa ahayd mid si aad ah Soomaalida iyo bulshada caalamka ay isha ugu hayeen natiijadeeda. Haddii doorashada maxadweynaha ay sidaan oo kale u dhacdo, lana wada aqbalo natiijada doorashada, cid kasta oo ku soo baxda Galmudug wuxuu noqon doonaa dowlad-goboleedyadda dhisan ilaa iyo hadda midka ugu saameynta badan, wuxuuna qeyb weyn ka noqon doonaa doorashada 2016-ka ee baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Hase yeeshee, dadka odorosa siyaasadda Soomaaliya waxay tilmaamayaan in saadaasha siyaasadda ee natiijada doorashada madaxtinnimada Galmudug inuu ka dhalan karo khilaaf baahsan oo dhinaca siyaasadda ah, kaas oo keeni kara in Galmudug ay ku noqoto deegaankeedii Mudug, Galgaduudna ay noqoto deegaanka Ahlu Sunna, halka Cadaadana ay dib ugu noqon doonto maamulkeedii Ximan iyo Xeeb, taas oo ay dhici karto in maamulka Cadaado lagu yagleelayo uu noqdo mid aan waxba ka jirin.

Tani waa saadaal aan suubbaneyn oo dhici karta, waxaana daliil looga dhigayaa in ay jiraan xoogag aan raalli ka ahayn inuu dhismo maamul Galmudug ay yeelato oo loo dhan yahay, waxaana muuqata ifafaale ah in dowladaha dariska qaar iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliya qaar aysan dan ugu jirin in Mudug iyo Galgaduud inay hal maamul ku midoobaan, sidaasi darteedna ay caddahay faragelinta ay ku hayaan. Waxaa intaas dheer, oo xeeldheerayaasha siyaasadda Soomaaliya ay tilmaamayaan in siyaasiyiinta Mudug iyo Galgaduud intooda badan aysan u bislayn shirqoollada loo maleegayo in ay midnimo iyo isu-tanaasul siyaasad uga hortagaan.

Ragga siyaasadda deegaanka hor boodayana intooda badan waxaa lagu dhaliilaa in aysan ahayn indheer-garad ka samatabixin kara deegaanka marxaladda adag ee uu ku sugan yahay. Laakiin, waxaa iyaduna saadaasha ka mid ah, in ay mucjiso dhacdo oo maamul ay ku mideysan yihiin Mudug iyo Galgaduud uu Cadaado ka soo baxo afarta bisha Luulyo. Ilaahay waxaan ka rajeynaynaa in saadaasheenna kala taggu aysan rumoobin oo aan lagu kala qeybsamin maamulka Cadaado lagu caleema saari doono?