Madaxweynaha oo booqasho ku tagay Cadale

422

Xasan-iyo-CadaleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Soomaaliya iyo taliyeyaasha talisyada kala duwan ee ciidamadda qaarkood ayaa markii ugu horreysay booqasho keddis ahayd ku tagay degmada Cadale ee gobolkaasi Sh/dhexe, halkaasoo dhowaan lagala wareegay dagaalyahanka xarakada Shabaab.

Shacabka ku nool degmadaasi oo uu horkacayay guddoomiyaha Cadale, Muxyadiin Suudi Macalim maba aysan qarin taageerada ay u hayaan Xasan Sheekh Maxamuud oo waxay ku soo dhoweeyeen sacab iyo mashxarad, balse mar uu dadweynahaasi kula hadlayay goob fagaare ahayd ayuu madaxweynuhu ka codsaday inay gacan ka siiyaan masuuliyiinta maammulka iyo saraakiisha ciidamadda isbaheysiga hawlaha soo celinta nabadda iyo ammaanka guud.

Cadale ayaa ka mid ah degmooyinka dhaca dhinaca xeebaha badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 140km u jirtaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.