Caddadka 17-aad ee Xaqiiqa Times

412

Xaqiiqa Times waa wargeys ka soo baxa magaalada Muqdisho labadii Jimcaba mar.

Kani waa cadadkii 17-aad. (Halkan ka akhriso caddadka 17-aad) Sida aad magaca ka dheehan kartaan wargeyska ujeedkiisa waa tebinta ‘xogaha dahsoon iyo xaqiiqooyinka. Wuxuu si gaar ah diiradda u saari doonaa arrimaha la xiriira horumar kasta oo ka dhaca dalka ama ay dadka Soomaalida ah ku tallaabsadaan.

Wargeysku wuxuu si gaar ah tusaale ugu noqon doonaa sida ugu wanaagsan ee loo qoro, isla markaana loo faafiyo afka-hooyo, wuxuu sidoo kale u taagan yahay run ka sheegidda iyo difaaca waxyaabaha dhaxalka u ah Soomaalida sida: Diinteenna Islaamka, afkeenna, dhaqankeenna iyo dhulkeenna hooyo oo bad iyo berriba leh.

Tiirarkaas difaacooda ayaa aasaas u ah Xaqiiqa Times, wuxuuna mar kasta u marayaa nidaam ku saleysan sharciga iyo anshaxa warbaahinta, sida; dhexdhexaadnimo, isku-dheellitir, sugnaan iyo caddaalad.

Wargeyska waxaa hal-heys u ah “RUNTA SHEEG RABBI BAA KUGU JECELE!”

Xaqiiqa Times waxaad ka heli kartaa goobaha lagu iibiyo wargeysyada ama boggeenna internet-ka oo ah xaqiiqatimes.com ama xafiiskeenna magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir emailka xaqiiqatimes@gmail.com ~ ama soo wac telefoonnadeenna:
+252690000558 ama +252669964469 ama +252617549777