Ciidamada Amaanka oo Baaritaano Kawada Baydhabo.

299

Ciidamada Dowladda Soomalaiya iyo kuwa Amisom ,ayaa adkeeyay amaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka soogeliya Magaalada iyo kuwa ka baxaya, waxaa kaloo su’aalo la weydiinayaan Dadka geliya Baydhabo.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa sidoo kale waxa ay baaritaano ka wadaan xaafado badan oo ka mida Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,iyaga oo gudaha u geliya guryaha waxa ayna sidoo kale su’aalo weydiinayaan Dadka.

Howlgalkan ayaa imaanaya Xilli dhawaan Xarunta Madaxtooyada Baydhabo uu ka dhacay weerar gaystay khasaaro badan kaasi oo ay sheegteen Al shabaab.