Waxaa kasoo wareegatay illaa iyo hadda labo maalmood, kaddib markii ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo AMISOM
ay kala wareegeen gacanta ku heynta degmada Baraawe Ururka Al-shabaab oo ka arriminayey muddo ka badan lix sano.
Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxa ay u ahayd saldhig muhiima Ururka AL-Shabaab ee ka dagaalama
Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay, dowladda soomaaliyana waxa ay sheegtay in Baraawe ay ahayd saldhiga
laga soo abaabulo weerarada lagu soo qaado caasimda Muqdisho Soomaaliya.
Weerarada ayaa waxaa si gaar ah loola beegsan jiray xarumaha muhiimka u ah dowladda Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Villa Soomaaliya oo la weeraray laba xilli oo kala duwan, golaha Baarlamaanka iyo xarunta maxkamadda ee gobolka Banaadir.
Haddaba waxaa idiin heynaa qaar ka mid sawirada qaabkii ay ciidamada dowladdu iyo AMISOM ay u la wareegeen degmada Baraawe 200 km u jirta magaalada Muqdisho.
www.xaqiiqa.com