Ciidamada gaarka ah ee Soomaliya oo la wareegay ammaanka Madaxwaynaha

455

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday inay ilaaliyaan ciidanka Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya tan iyo 2007-dii.

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya ayaa haatan waxaa la sheegay inay ilalinayaan ciidanka gaar ka ah ee Soomaaliya gaar ahaan ciidamada ay soo tababartay dowladda Maraykanka kuwaasi oo loo yaqaano Alpha group.

Madaxwaynaha cusub ayaa loo doortay shalay inuu noqdo madaxwaynaha 9 laad ee Soomaaliya ka dib doorsho socotay mudo ka badan Shan sacadood.

Talaabadan uu qaaday ayaa waxaa ay fariin  toos ah u tahay howlgalka AMISOM.