Ciidamada Huwanta Oo Manta Weerar Ku Qaaday Duleedka Buulo-Burde Halkaas Oo Shabaabku Saldhigyo Ku Lahaayeen

206

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa manta weerar culus waxa ay ku qaadeen Deegaan dhinaca Bari kaga beegan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas ay kusugnaayeen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Deegaanka Ciidamada Huwanta ee maanta Weerarka ku qaadeen ayaa lagu Magacaabaa Yasooman, waxaana saldhigyo ciidan ay kaga soo duulaan Degmada Buulo Burde ku lahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab ee dhawaan laga saaray Degmadaasi.

Wararka aan ka heleyno Degmada Buulo Burde ayaa sheegaya in Deegaanka Yasooman ee duleedka bari kaga yaala Degmadaasi maanta ka dhaceen Dagaal Culus oo saacado qaatay kaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-Shabaab.

Ciidamada Huwanta ayaa la sheegay in weerar xoogan ku qaadeen Deegaanka Yasooman , lamana oga ilaa hada qasaaraha ka dhashaydagaalka ee maanta dhax maray Ciidamada Huwanta iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalka Maanta ka dhacay Duleedka Buulo Burde ayaa imaanaya xili xalay kooxo Hubeesan oo Al-Shabaab katirsan Weerar kusoo qaadeen Degmada Buulo Burde , waxaana la sheegay in Deegaanka maanta la weerary ay Shabaab ku lahaayeen  SaldhCigyo