Galguduud: hawlgallo ay wadaan isbaheysiga

156

AMISOM1Wararka imminka laga helayo degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in ciidamadda dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta tuullooyin ay ka mid yihiin Dirri, Ulajarad iyo Ceelshiid kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamadda huwanta ayaa markale hawlgallo lagu sugayo ammaanka ka sameeyay inta u dhexeysa Ceelbuur iyo deegaanka Ceelgaras ee hoostaga degmadaasi.

Goor sii horreysay ciidamadda isbaheysiga ayaa qaaday duullaan khasaare badan geystay oo ay dib ugu fureen waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamarreeb ee gobolkaasi Galguduud.